Goobihii Itoobiyaanku baneeyeen oo markii lagu soo laabtay lagu arkay wax lala yaabay
Maanta ayey aheyd markii ay ciidamada Itoobiyaanka oo muddo hal bil ah fadhiyey qeybo ka tirsan waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka & gaadiidka ee magaalada Muqdisho ay baneeyeen goobihii ay waddadaasi ka fadhiyaan , una guureen dhinaca garoonka Stadio Muqdisho halkaasoo muddooyinkii u danbeeyey ay ka dhigteen talis , waxeyna ciidamadaasi ay waddada 30-ka farriisin ka dhigteen kadib dagaal qaraar oo ku dhexmaray nawaaxigaasi ciidamada gumeysi la dirirka ah ee kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho & ciidamada Itoobiya .
Dadkii deganaa guryihii & goobihii ganacsiga ee ay muddada bisha ahi deganaayeen ciidamada Itoobiya ayaa saaka markii ay dib ugu soo laabteen guryahooda & xurumahoodii ganacsiga waxey la kulmeen xaalado argagax leh , & guryahoodii oo is dhex-yaacsan , isla markaana ciidamada Itoobiyaanku si xishood darro ah ay dhammaan alaabihii yiilay guryahaasi u gabaaro-gediyaan , iyadoo guryaha intooda badan oo ay ciidamadaasu jiifeen ay ku saxaroodeen qolalka dhexdooda , waxaana waxyaabaha ay dadka reer Muqdisho ka yaabisay ka mid ah in labo masaajid oo kala ah masjidka Salaama & Masjidka Sheekh C/ xafiid ee ku dhow Ex. Carwo Itko ay gudaha masaajidadaasi ku saxaroodeen ciidamada Itoobiyaa , halka ay kitaabadii masaajidadaasi yiilayna ay jeexjeexeen , waxeyna arrintaasi caro ku riday dhammaan dadka deegaanka oo ka qiirooday waxa ay Itoobiyaanku ku kaceen .
Xigasho :dayniile.com