.

Xasuuq ka dhacay Deegaanka Mula

Ciidmadda Gumaysiga Itoobiya ee dhulka Soomaaligalbeed xooga ku jooga ayaa 11/Bishan 2008   waxay dad shacab ah ku xasuuqeen Dhul beereedka Kuyaala Deegaanka Mulla ee Togga Faafaneed oo ka tirsan gobalka Jigjiga
 
Dadka dhintay oo ah Todoba Rag ah oo u badan odayaal ayay magacyadoodu waxay kala yihiin Sidan .
 
Sadex nin oo Dadka ka mid ah ayaa walaalo ah oo kala ah Ibraahim Sigad Jabanow , Cabdi Sigad Jabanow iyo Axmed Sigad Jabanow ,waxaa kalo dadka dhintay ka mid ah Faarax Bile, Sheekh mukhtaar , Axmed Nuur Cabdi Sagal iyo Cumar Xaashi Guuleed .
 
Waxaa kaloo iyana Dad dhaawaca oo nalooga sheegay magacyadooda ka mid ah   Cabdullaahi Cabdi Sabuur iyo Faadumo Axmed Buure dadkaas oo nalo sheegay inay kuyalaan dhaawacyo halisa
 
Ciidamadda wayaanaha ayaa dhulka Soomaali galbeed Ka wada Xasuuq aan kala go lahayn wuxuuna ka dhacaa dhamaan gobaladda uu deegaankaasi ka koobanyahay waxayna kuwan oo kale kasoo dhaceen gobaladda Godey,Qoraxay , Dhagaxbuur , Wardheer,Nogob iyo Shiniile kii ugu dambeeyay oo dad kor u dhaafaya 20 ay ku xasuuqeen ayaa ka dhacay bishii hore   Gobalka Shiniile .
 
  Laba Sano Kahor ayay ahayd markii Deenkan MUlla   ee Tuga faafan Ay kuxasuuqeen Ciidamadda Cadowgu Shacabkan oo ay dileen Wakhtigaa  9 qof iyagoo dhawacayna 23 qof oo  ay laba dumari ihi ku jireen   

Dib u laabo