Tobanka danbe ee ramadaan & waxa lagaa doonayo

4/10/2007

 

Tobanka danbe ee ramadaanka waa maalmo aad u qiima badan Nabiguna N.N.K.H sigaar ah ayuu ugu dadaali jiray Caaisha waxaa laga wariyay iyadoo leh waxaa uu ahaa Nabigu N.N.K.H mid ku dadaala tobanka danbe si uu san ugu dadaali jirin maalmaha kale.

Maalmahaan waa maalmaha dhexdooda ay dhacdo is xureynta la iska xureeyo naarta , waa maalmaha in tabadan dadka saai miintu ay bixiyaan zakaatul fidriga , waa maalmaha loogu rajada badan yahay in laylatul qadarkii ku jiro cidii Allaah u qadirana ay helayso

Malmahaan waa maalmaha aad la isugu adkeeyay in cibaadada la badiyo hadii ay noqonlahayd qiyaam layl ,hadii ay noqonlahayd qur`aan akhrin,hadii aynoqonlahayd digriga Ilaahey qeybihiisa kala duwan .

Tobankaa sidaan soo sheeganay waxaa ku jira habiinka layiraado laylatul qadar waa habiin qura oo hadii Allaah kugu guuleeyo in aad hesho u dhiganta dhawr iyo sideetan sano cibaadadood wax lahelikarana maaha in faaiido intaa la eg lagu gaaro waqti sidaa u kooban ee waxaa lagu helay naxariista Allaah uu u naxariisanayo khalqigiisa .

Bisha ramadaan siguud iyo habiinka laylatul qadarka ah sigaar ah waxaa ay kamid yihiin waqtiyada ( mawsimyada ) Allaah u diyaariyay khalqigiisa si ay uga faaiidaystaan oo ay ugu guulaystaan abaalmarinada Allaah uu bixinayo waayoo meel dhaw ayuu u soo dhigay .

Habiinka laylatul qadarka waxaa dhulka soo buuxinayo malaa`ikta Allaah si ay u salaamaan mu`miniinta cibaadada Allaah u taagnaayeen habeenadii la soo dhaafay raadin ay raadinayeen abaal siinta Allaha uu siin doono mu`miniinta .

تنزل الملائكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر سلام هي حتى مطلع الفجر

Habiinkaa isaga ah Allaah waxaa uu noo sheegay in ay ka khayr badantahay kun bilood

ليلة القدر خير من كل شهر

Habiinkaa waa habiin loo dhaafayo mu`miniinta wixii danbi ay soo galeen oo dhan habiinkaa isaga ah waxaa loo badanyahay in ay noqoto habiinada tirada dheeriga ah xikmada loo qariyayna waa in muslimiintu dadaal bixiyaan ileen abaalmarin waxay timaadaa shaqo kadib , waana sida saacada lasheegay in ay jimcaha ku jirto ee saacatul ijaabada loo qariyay sijuhdi loo geliyo ku guulaysiga abaalmarinta Alla bixinayo .

Qaabka qiyaamka tobanka danbe ee ramadaan

Qiyaamka iyo cibaadada la sameynayo si loo helo habiika laylatul qadarka waxaa uu noqonkaraa sadax nooc :

•   in habiinka oo dhan loo soo jeedo laguna soo jeedo salaad iyo qur`aan akhrin iyo dikriga Allaah .

•   in fiidnimada hore laseexdo lana soo tooso habiinbarki markaana labilaabo cibaadaadki ilaa fajarka .

•   in salaada ceshaha iyo tan fajarka lagu dukado jaamaacada masjidka waana darajada ugu hooseysa qiyaamka .

Nabiga N.N.K.H waxaa uu yiri ruuxii salaada ceshaha ku dukada jamaaco waxaa uulamid yahay ruux habiinka barkii istaagay ruuxii salaada fajar kudukada jamaacana waxaa uula midyahay isagoo istaagay habiinka oo dhan .

Soonku waa bil shaqo iyo cibaado

Bisha ramadaan waa bil muslimiintu ay gutaan acmaal aad u qiima badan qaalina ah ee ma aha bil caajis iyo cunimo si aan taa wax uga ogaano bal aan eegno howlihii salfu saalix ay qabteen ramadaanka dhexdiisa

Dhacdooyinka ramadaan dhexdisa

Ramadaanku in uu san ahayn mid keena ducfi iyo taagdaro ee uu yahay mid keena quwad iyo firfrcooni iyo tababar waxaa ay guula gaareen salafki umadaan islaamka ah ramadaanka dhexdiisa ayaa daliil u ah waxaana ka mid ah guulahaas :

•   guushii laga gaaray dagaalkii badar oo dhacay maalin jimca ah 17 ramadaan odayadii ugu waaweynaa cadwtinimadii islaamka oo meeshaa lawada dhigay .

•   maka oo xaramki Allaah ah oo la furtay 10 ramadaan sanadii 10 aad iyadoo labaa bi`iyay lagana nadiifiyay kacbada wixi sanam dhex yaalay

•   duulaantii tabuuk qeyb kamid ah oo dhacday ramadaan dhexdiisa .

•   khaalid ayaa loo diray si uu u soo burburiyo sanamkii weynaa ee cuzaa ay dhihi jireen ee quraankaba lagu sheegay oo ku yaalay meesha la yiraahdo nakhla .

•   sanadkii sagaalaad ee hijriga waxaa nabiga N.N.K.H u yimid reer thaqiif oo doonayaan in ay islaamka soo galaan islamarkaa ayaana laburburiyay sanamkii laata la oranjiray ee isna qur`aan ku sheegay .

•   caynu jaaluut ayaa dhacday bisha soonka dhaxdeeda

•   andalu dhulki loo aqoonjiray ( asbania ) ayaa muslimiintu furteen bisha soon dhexdeeda .

Waxaa oo dhami waxay natusinayaan in muslimiintu aanay soonka nasan jirin ee waxa ay raadin jireen nasriga Allaah iyagoo ka faa iideysanaya mawsimka duca aqbalka iyo lajirka Illaahay uu la jiro mu`miniinta

Zakaatul fid riga

Umadda muslimiinta ah kadib marki ay gutaan waajibka soonka waxaa lagu waajibiyay si waxyaabihii yaryaraa ee kadhacay loogu kabo naxariis Alla xagii ah darteed waxa loo yaqaano ZAKAATUL FIDRI

Zakaatul fidri waxaa la waajibiyay sanadii 2aad ee hijriga waana sanadkii ramadaan la farad yeelay waxaana daliil u ah ibnu cumar baa waxaa uu yiri Nabigu waxaa uu faradyeelay zakaatul fidri bisha soon dadka oo dhan suus timir ah.

Suuska waxaa lagu qadiray in uu noqonayo 2751g waxaana la bixinkaraa raashiinka lacuno nuucyadiisa kala duwan waxaase wanaagsan in labixiyo kan inta badan dadku cunaan meesha qofka bixinaya joogo .

Waxaana ay ku waajibtay ruuxii helikara raashinkiisa iyo kan reerkiisa in kabadan habiin iyo maalin , waxaana qofka waajib ku ah in uu ka bixiyo fidrada inta quudintoodu ku waajibka tahay sida xaasaska iyo raruurta iyo wixi soo raaca ee quudkoodu waajib ku yahay lagama rabo qaraabada gurugiisa ku nool laakiin waa u banaantahay in uu ku tabaruco .

Wabilaahi towfiiq