
Taariikhda naasiriya oo kooban :
Naasiriya waa magaalada tolku ku leeyahay gayiga waamo , waxaa la aasaasay taariikhdu markay ahayd 2003dii, waxay kutaalaa juquraafia ahaan , meel u dhaxaysa bu'aale iyo afmadow , waxay u jirtaa afmaw 48 km, bu'aalana lixdameeye km, xagarna waxay u jirtaa 51 km, waxay u jirtaa jiilaalow 30km. waxaana dhexmaray magaalada jid weyn oo isku xira afmadow iyo bu'aale . Sidaa darted waxaa dhihikarnaa waa magaalo istraatiiji ah, yeelan doontana inshaa allaah mustaqbal fiican .
Maxay u baahantahay ?
Waan iska garan karnaa baahida ay yeelan karto tuulo ama magaalo aasaaskeedu bilow yahay laakiin baahida ayaa dhowr nooc ah, baahi daruuri ah, iyo mid dhamaystir ah, hadaba baahida hadda ay u baahantahay waxaan orankarnaa waa baahi daruuri ah waana sedan:
1- in la dago , si looga qayb qaato dhismaheeda iyo hormarkeeda .
2- in xagga biyaha laga caawiyo , loo qodaa ceelal ama loo sameeyaa riigag .
3- waa in loo furaa iskuulo , loona dhiso dhismayaasha iskuulada , si dadka wax u bartaan.ugana baxaan jahliga .
4- in macalimiinta la kafaalo qaado , oo loo habeeyo mushaar ay naloshooda ku dabaraan .
5- in loo furo rug caafimaad , ama isbitaal ka caawiya xagga caafimaadka .
6- waa in loo dhisaa misaajid weyn oo magaalada ku filan .
Taasi say ku suuroobaysaaa ?
Waa in la iskaashadaa , la isku duubnaadaa , loona qoondeeyaa wax lagu awdo baahiddaas , taasina waxay ku hirgalaysaa oo qudha in qofwalbaa u qorsheeyo waxa uu awooda oo dhaqaalo ah.
FG: wax bixin intan ka faahfaahsan ayaan inshaa allaah idinsoo gudbindoonnaa .