.

Shirkii Jeeliyada beesha abaskuul ee dalka kenya

Jaaliyadda Beesha Abaskuul ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan Magaaladda Nayrobi ayaa maalintii shalay 26/10/07 shirwayn isagu yimid shirkaas oo ahaa shir aad loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay tiro badan oo ka mid ah Jaaliyadda beesha ee ku nool magaaladda Nayrobi .

Shirka ayaa waxaa furay Afhayeenka Jaaliyadda Cabdi nuur Axmed Mahdi oo kufuray Muxaadaro diin ah oo uu dadka aad ugu waaniyay ku dhaqanta diintooda iyo Alle ka Cabsiga , isagoo furitaankaa iyo Maxaadaraa kadibna ku wareejiyay gudoomiyaha Jaaliyaydda .

Kadibna waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda Cabdi Jabaar Cali Aadan oo hadalkiisii ku bilaabay maamulka Jaaliyadda iyo waxyaabihii loo aas aasay ama laga rabo inay qabtaan wuxuuna sheegay waxyaabaha laga rabo inay qabato jaaliyadu inay ka mid yihiin , isku xidhka dadka beesha ah ee ku baahsan daafaha dunida , wacyi galinta , iska caawinta daruufaha iman kara , kaqayb qaadashada horo marinta deegaanada beeshu dagto , iyo dhiira galinta daris wanaag iyo nabad kuwada noolaanshaha umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo Beesha .

Kadib waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamuud macalin Axmed Naasir , oo ka mid ah maamulka jaaliyadda isagoo markii hore ku bilaabay warbixin uu kaga hadlay Website ay Jaaliyadu leedahay oo la yidhaa www.naasiriya.com , iyo waxqabadkiisa oo uu sheegay in waxyaabo badan laga heli doono hadii Allee idmo guud ahaan wararka gaar ahaana wararka khuseeya beesha iyo arimaheeda hoose .

Waxaa kaluu sheegay in laga heli doono waxbarasho diini ah si dadku uga faa ,idaystaan barashada diintooda , waxaa kaloo maxamuud hadalkiisii kusii daray in ay dadku kala fahmaan Qabiilka iyo Qabyaaladda oo ,  uu sheegay inay dadka Soomalidu isku qaldaan balse kala gaar yihiin oo qabiilku banaanyahay in la isku xidhiidhiyo , wanaaga la isagu kaashado la isku aqoonsado balse qabyaaladu ay tahay wax xaaran ah oon banaanayn .

Waxaa isna halkaa ka hadlay Sheekh Bashiir sheekh Maxamed Cabdi Magan oo haldakiisii ku bilaabay inay dadku ku walaaloobaan islaanimadda Alle ka cabsina la yimaadaan , isagoo sheegay taa kadib inay iman doonto is xidhiidhinta iyo qaraabanimadu intuba   oo qaf waliba fahmi doono xaqa uu ku leeyahay walaalkiisa muslimka ihi , waxaa kaluu talooyin usoo jeediyay Maamulka Jaaliyadda.l

Kadibna waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay Axmed Cabdi Kare oo jaaliyadda maanta fadhiga kala qayb galay dagana Dalka Jarmalka safarna maalmahan ku joogay dalka Kenya, Axmed wuxuu aad u bogaadiyay Jaaliyadda isku xidhnaanteeda iyo howsha ay ku dhaqaaqqen wanaageeda isagoo sheegay inay farxad utahay in uu jaaliyadda kala soo qayb kalo shir noocan oo kale ah oo uu sheegay in aan haba yaraatee wanaag mooyee xumaan aan lagaga tashanayn .

Intaa kadib waxuu shirka waribxin dheer kasiiyay Jaaliyadaha Beesha   ee ku nool Dibadaha gaar ahaan Wadamadda Yurub iyo Maraykanka , iyo Maamuladda u dhisan iyo shirar hada la filayo inay isagu iman doonaan Jaaliyadahaasi balse aan wali la qorshayn meeshii ay ka  dhici layeen balsu uu sheegay in jaaliyadda Nayrobi lala soo socodsiin doona kolba meeshii shirkaa loo garto inuu ka dhaco .

Ugu dambayn waxaa hadalkii qaatay Faysal Axmed Nuur Camanje , oo dhawan Safar ku tagay Dagamadda Cusub ee beeshu dagtay oo la yidhaa Naasiriya , gobalka Jubadda Dhexe , wuxuuna u sheegay fadhiga horumarka ay durba mu talaabsatay Naasiriya oo , uu sheegay in ay tageen Hayado badan inay tageen Wafdiyo dal iyo dibadba ka yimid oo beesha ah halkaana ay ka dhaceen shirar lagaga wada hadlayay sidii magaaladaa loo dhisi lahaa loogana dhigi lahaa magaalo Soomaaliyeed oo ay dadka Soomaaliyeed dagi karan ka ganacsan karaan mari karaan lagana ilaaliyo waxyaabihii laga dhaxlay dagaalada sokeeyo sida waxa loogu yeedho Isbaarada iyo wax kasta oo dhibi kara bulshada Soomaaliyeed .

Intaa kadib waxaa shirkii soo xidhay maamulka Jaaliyadda kasoo qayb galayaashiin aad ugu mahad celiyay .

.

Dib u laabo