Shirkii ka dhacay magaalada Bosaaso ee beesha Abaskuul
Dhawaan ayay shir ku yeesheen magaalada Bosaaso qaybaha kala duwan ee ayay ka koobantahay beelwaynta Abaskuul,shirka oo ay ka soo qayb galeen culumada , Odaasha,dhalinyaro iyo aqoonyahanka beesha inta kaga sugan gobalka bari . shirkan oo lagaga arinsanayay sidii qayb libaaxle looga qaadanlahaa dhismaha magaalada cusub ee ku soo biirtay deegaanada beesha ayaa ka dambeeyay kadib xubno sahan ahaa oo ay iska magacaabeen isla markaana soo arkay magaalada naasiriya iyo guud ahaan gobalada jubooyinka oo ay beeshu ku abtirsato,halkaas oo ka hadlay Shiikh Mustafa oo ka mid ahaa xubnihii sahanka ku tagay oo xogwaran siinayay ayaa ku nuuxnuuxsaday waxa ay kala soo kulmeen magaalada Naasiriya iyo sida diiran ee loogu soo dhaweeyay oo uu ku tilmaamay meel aad u qiima badan iskuna xidha magaalooyinka Bu`aale Afmadaw,Xagar iyo guud ahaanba jubooyinka . ugu dambayntii ayaa la isku afgartay in bulshada faraha bada ee ku daranyaysan Gobalka bari oo marka ay joogaan lagu tilmaamo dad dhulkoodii ka soo bara kacay loogu abaabuli lahaa inay u guuraan dhulka ilaah baday ee Jubooyinka halkaasoo lagu balamay in Bisha shanaad la guuro intii ay u suuro gali karto , halka dad farabadan oo diyaar u ah inay uguuraan magaaladaas waxna ka dhisaan ayna u suuro galin karin xagga tansiilaadka oo ku adag taasoo guddiga beesha ee gobalka Bari haatan ku sugan ay codsi u jeediyeen Jaaliyadaha dibadda ee beeshu inay xaggaa bal ka gargaaran taasoo haddi ay suuro gasho fududayn doonta haddii ee be yiraah dhismaha iyo hirgalidda magaalada Naasirya