Bogga Nasashada iyo Madadaalka

Geediga Aakhiro

ID musaafirka:

Magaca safraha: ina aadan.

Dhalashada: waa ree carro.

Cinwaankiisa: dhulka .

Infoomeeshinka safarka:

Boosteejada laga dhaqaaqayo: nolasha aduunyo.

Boosteejada la gaarayo: daarta aakhiro

Xiliga dhaqaaqa baska: (( nafna ma oga dhulka ay ku geeriyoonayso ).

Ballanka is xaadirinta: sakaraatka mawdka.

Shuruuda socdaalkan:

waxaa looga baahanyahay dhammaan musaafiriinta sharaf badan in ay raacaan arimaha ku yimid kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka s.c.w, sida jecaylka ilaahay iyo rasuulkiisa s.c.w. in ay xasuustaan geerida.

Waxa la isku ogalyahay in la qaato:

waxaa loo ogolyahay qofkasta oo musaafir ah in uu qaato laba mitir oo dharka maxamuudiga ah, suuf yar, camalka saalixa ah ee suuban, cilmi lagu intifaaco, ilmo wanaagsan oo usoo duceeya. wax intaa dhaafsiisan lama ogola in la qaato.

Wixii faafaahin ah la xiriir kitaabka ilaahay iyo sunada suubaha s.c.w.

Fiiro gaar ah:

xiriirku waa lacag la'aan, wax waasida ahna uma baahna musaafurku, wixii miisaan siyoodo oo camalka saalixa ah waa la ogolyahay.

 

 

 

 

 

 

 

Maadihii cigaal shidaal:

 

 

 

 

 

 

 

Maadihii juxa:

Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa u yimid juxa nin lahaa guriga uu daganaa oo raba kiradii guriga, markuu waydiiyey lacagtii, ayuu yiri juxa: war ninyahow gurigan iga baddal! markaasuu yiri ninkii: oo maxaa dhacay oon kaaga baddalaa? markaasuu yiri juxa: gurigani habeenkii oodhan jiingadiisu way shanqartaa. markaasuu yiri ninkii; doqon baatahay, ma guriga tasbiixsanaya ayaad la yaabantahay? markaa suu yiri juxa: haa saaxib, waxaan ka yaabayaa inuu khushuuco marka ay tasbiixdu ka badato kadibna igusoo sujuudo.

Dib u laabo