Jamacada Jijiga University oo Kobcinays tayada shaqaalaha Gobolka Somaalida
11/12 /07
Jijiga(kilil5)---- Jaamacada Jijiga University ayaa waxaa lagu tilmaamay
inay gacan ka gaysanayso kor u qaadida iyo tayaynta awooda shaqaalaha
deegaanka somalida iyadoo u furtay Continuing education iyo short-term
training marka laga reebo waxbarashada tooska ah. Madaxwayne ku
xigeenka jaamacada ato Mohamed Abdela oo ka hadlay xaflad arday ka
qalin jabisay Waxbarashada xoolaha(vet Technicians) oo mudo 6 bilood ah
uga socday jaamada ayaa ku nuux nuuxsaday kaalinta ay jaamacadu ka
qaadanayso koritaanka iyo kobcinta cududa shaqaalaha ee deegaanka iyo
ardaydan qalinjabisay oo dhamaantoodba gobolada lagu kala qoray inay wax
wayn ka qabandoonaan goboladooda.
Madaxwaynaha jaamacada mudane Abdinasir Axmed oo isna goobtaas ka hadlay
ayaa sheegay Jaamacada oo ka mid ah 13 jaamacadood oo dalka Itoobiya
dhawaan laga furay in ay dadaal dheeraad ah iyo dar-darba galindoonto
xoojinta iyo kordhinta cududa shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee deegaanka
aadka ugu yar iyagoo u furidoona barnaamijyo waxbarasho oo kala duwan.
Jaamacada ayaa hada waxaa wax ku barata 954 arday oo isugu jira
kuliyadaha Cilmiga Bulshada (Social Science),Culuumta saynsiga (Natural
Science), Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Business and Economics) ee
waxbarashada tooska ah (reqular) iyo waliba tan aan tooska ahayn (continuing education).