.

DHALINYARDA IYO DOWRKOODA DALKA

wadan waliba waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan dhalinyarada ayaa dawr weyn ka ciyaarto muujinta bilicda dalkooda hadey ahaan laheed dhinaca waxbarasha ama dhinac kasta ee hormarineed

SYL  IYO  DHALINYARADA MAANTA

sooyaalka taariikeed ee wadankeena somalia hadaad dib u raacdid waxaad ogaaneysaa

in sacabku ahaa mid aad ugu kalsoon ama rajo weyn ka qabay dhalinyarada waagaas

SYL waxey garbaha is qabsaden waqti uu u baahnaa wadanka samata bixin dag dag ah

iyagoo hadafkooda 1aad uu ahaa in dhalinyarada mustaqbalka ey wado ku dayasho mudan u xaaraan iyadoo aanu wada ogsoonahay horumarka eey inoo horseedeen

balse ey muuqato in dhalinyarada maanta jirtyaayi aad moodid in ey sanba aheyn dhalinyardii   ey SYL u soo halgantay ama ey rabeen in ey halgankooda sii wadaan

hadaad daba gal ku sameysid dhalinyarada somaliyed ee maanta joogto ama aad la sheekeysatid qaar ka mida waxaad dareemeysaa in eysan wax xanuun ah ama dareyn eysan ku heynin marxaladda cakiran ee dalka uu marayo , ama ey qaar kood aamineen in oday dhaqameed   ama hogaamiye   kooxeed   maahane eysan wax door ah ku laheyn dhalinyarada dib u dhiska iyo dib u walaalenta qaranka somaliyed .arintan heysata dhalinyarada somaliyed ayaa waxaad dareemeysaa marka aad dhaba gal ku sameysid wadamada nidaamka dawliga ah uu kajiro dhalinyradooda sida ey isugu xiranyihiin ama wazaaradaha dhalinyarada dawrka ey ku leeyihhin .

DAWRKA URURADA DHALINYARADA

waxaa soo ifbaxay waayadan danbe dhalinyaro wax xoogaa dareen ah iska dareemay dhalinyaradaas oo dhisay ururo ey ku mideysanyihiin ururadaas in kasto oo wax qabadkooda uu yar yahay iyada oo ey sababta tahay xagga dhaqaalaha .

hadana   ururo badan ayaa ka jiro gobolada somaliya

in kasta oo ey ku guuldareesteen ama awoodi waayen xitaa in ey sameystaan dalad mideysa ama   is dhaxgalka dhalinyarada gobalada,ama ey hubka ka dhigaan dhalinyarada , hadeysan awoodine ey isku dayaan kuwa ey heebyaqaanaan in ey ka dhigaan qoriga qalinkana u dhiibaan si uu uga baxo jahliga .

balse aad arkeyso in ey xoogga saareen   sida ey ula xariiri lahaayeen hey'adaha samafalka si ey wax xoogaa sahlo arimahooda uga helaan

RAJO IN TEE LA EG AYEY KA QABAAN IN EY HOGAAMIYAAN QARANKA 

su'ashani jawaabteedi waa mid aad u culus marki si loo eego hadana fudud marki si kale loo eego hogaaminta ama jagada ugu sareysa ee qaranka somaliyed yeelan doono mustaqbla ayaa ah mushkilada keentay in malaayin somaliyed dhulka ka hoosmaraan qaarna ka qaxaan dhulkooda hooyo marka aad arinkaas   eegtid waxaad yara dareemeysaa in aanan si sahlan loo hanan kareyn . hadii aan si kale u dhigno maanta qaranka somaliyed waxa uu sugayo waa dhalinyarada somaliyed gaar ahaan kuwa wax bartay inta dagaalka sokeye socday waayo waxaa la gaaray waqtigi uu qalinka shaqeyn lahaa   qorigana la dhigi lahaawaxa inta badan dhalinyarada niyada ka dilayo ama eey uga gabanayaan dawrkooda dalka waxaa u sabab ah  ayaga oo aaminsan (HOOBIYE NIN HEESTAA WAX HOGAANSHO) waana arin ey shacabka dhamaan wada aamin samyihiin

SIDEE LOO WACYI GALIN KARAA DHALINYARADA ?.

dhalinyarada somaliyed ee maanta badankooda waxaa lagu tilmaami karaa in ey suuxsanyihhin ama eysanba la socon dawrka looga baahanyahay waxaadna arkeysaa dhalinyaro waqtigooda ku luminaya daawashasada   ciyaaraha noocyadooda kala gadisan ama ka sheekeynta kooxaha . dhalinyaro kale ayaa jirta kuwaas oo xoogga saaray sida ey shahaado jaamacadeed gacanta ugu dhigi lahaayeen kuwaas ayaa   dhaamo wax badan kuwa waqtigooda ku lumiyo faa'ido darad dhalinyarada wax barata ayaa ah kuwa maanta shacabka uu ku tashanayo ama ah hogaamiyayaasha mustaqbalka somaliya waxa ey u baahnatahay maanta dhalinyaro qalbi saafi ah,wadan jaceyl,qabil la dagaalan,iyo diin jaceyl uu ku abuuranyahay qalbigooda waxaana haboon si loo waci galiyo dhalnyarada somaliyed in marka hore lagala dagaalamo qabiil si xun u adeesiga ey aaminneen qaar kood .waana in si loo wacyi galiyo dhalinyarada ey WEBSITE- yada ama idaacadaha eey sameeyaan barnaamijyo ku saabsan doorka dhalinyarada ey ku leeyihhin dalka

waxaana allaah ka baryeynaa in dhalinyarada somaliyed uu dareensiiyo tusana sida dhalinyarada dunida ey uga dhax muuqdaan shacabkooda dawrkoodana ey ka qaataan dib u midenynta shacabka gaar ahaan sidi ey isugu keeni lahaayeen dhalinyarada kala firidhay .

By:

HASSAN ISAM'IL   (HASSAN NUUR )
CHAIR ,SOMALI COMMUNITY CENTER
SEATTLE , WASHINGTON

xnuur11@hotmail.com

 

 

Dib u laabo