waxaa walaalaha ah, ehelka,cashiiradda , qaarabadda iyo dhamaanba , walaalaha muslimiinta ah, ee fariintan kheyrka xambaarsan ku socoto , lagu war- galini in tuuladda Naasiriya ee u dhaxeesa afmadow iyo bu'aale , laga bilaabi doono inshaa'allahu tacaala , dhismo masjid oo dhagax ah oo cabirkiisu yahay 13x13 mitir,kaas oo lagu qiyaasay in eey ku bixi doonto kharashka dhismahaasi , qiimo dhan 18 kun oo doolar ,[ sideed iyo toban kun oo doolar ]
Masjidkaas dhagaxa ah ee lagu talo jiro in la dhiso , waa dhismo dhagax ah, kii ugu horeeyay oo thaariikhdaba ka dhisma deegaankaas , kaas oo dadka degan iyo kuwa musaafurka ah ee ku safraaya dhulka dherarkiisu yahay 124 km oo ah masaafada u dhaxeesa afmadow iyo bu'aale, eey aad iyo aad ugu baahanyihiin.sidaas darteed arrinkani waa u gar- gaarrida dadka iyo diinta islaamka ah, taas oo Eebana , allah weyn uu ugu gar- gaaraayo,kana ajarsiini aduun iyo aakhiraba , kuna dhowrii iyaga iyo ehelkoodaba , dadka xoogooda , iyo xoolahoodaba ku tabarucay,kuna sadaqeystay , oo ku bixiyay dhismaha masjidkan iyo kuwa kale ee lamidka ah ee meel kasta oo kaleba .
hadaba walaalkeega muslimka ahow waxaad kari kartid ka geeyso,taas oo ah sadaqatul jaariya oo ah ajir ku socda inta aad nooshahay iyo aakhiradaadaba si isku mid ah oo joogta ah, sida eey diintayada islamku noo sheegayso .
hadaba waxaan rajeyneena in dadka illahay wax siiyay ee kheyr qabayaasha ah, markay fariintan helaan noosoo gudbini wixii jawaab ah oo wax ku ool ah.
ooooooooooooooooooooo
A- anaga oo amaan u soo jeedineyna ,eebena uga baryeena in u ajir iyo xasanaad ka siiyo,ayaa waxaa ka soo jawaabay codsiga dhismada masaajidka ee naasiriya walaalaha hoos ku qoran .
1- - ugu horeentiiba waxaa deeq waxtar ah ,oo dhan 9000/= oo doolar [ sagaal kun ] masaajidka ugu deeqay kheyriya lagu magacaabo Jamciyatu towfiiq AL kheeriya oo saldhigeedu yahay kismaayo , eebe ajir iyo xasanaad ha ka siiye .
2- - waxaa sidaas si la mid ah deeq waxtar ah oo dhan 5000/- oo doolar [ shan kun oo doolar ] ku sadaqeystay dhismadaas DR.ISMAACIIL SH MAXAMED XUSSEN oo degan stockholm sweden tel =0046-737815587
3 -waxey walaalaha degan kismaayo ee ehelka ah, iyaguna iska uruuriyeyn lacag dhan qiyaas ahaan 1000/- doolar [ hal kun oo dooar ]
B - sidaas darteda waxaa cid kasta oo walaal muslim ah,ehel ah , cashiira ah laga codsanaaya in allah dartiis dhismaha masaajidkaas waxay kari karaan ugu soo tabarucaan .