Ciid wanaasan

Waxay shaaca ka qaadeen dawladaha sucuudiga , qadar , imaaraatka , Kuwait , urdun , baxrayn tuunis liibiya , soomaaliya falasdiin iyo waliba ciraaq , in ay barri oo jimca ah aytahay ciid , sidoo kale waxay shaaca ka qaaday dawlada masar iyo cummaan in aytahay barri soddankii ramadaan , ayna ciidi doonaan maalinta sabtida .

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ay arkeen bisha shuwaal dawladaha filibiin , ruushka , daajakistaan iyo waliba jamhuuriyado kale.

Hadaba dunida islaamku sida ay u badantahay ayaa ah inay bari jimco ay tahay ciid .

Munaasabadaan awgeed waxaa sharaf u ah bahda naasiriya.com inay idinku hambaliyeyso farxadda ciidda , waxayna idinleedahay : ciidwanaagsan , wa kulla caamin wa antum bikhayr .

 

Dib u laabo