Xilligii jaahiliga :

Kadib nabi ciise c.s.

Nabi ciise c.s kadib waxaa dheeraaday xilligii lasoo saari lahaa nabigii lagu gunaanadi lahaa nabiyada iyo rususha , waxaa qabsaday caalam mugdi , waxaana libdhay nuurkii iyo cilmigii laga xigsanayey anbiyada iyo rususha ilaahay , waxaa qarsoomay dhanbaaladii anbiyadu ilaahay u soo dhiibay kuwaas oo xambaarsanaa tawxiidka ilaahay iyo in ilaahay kaliya loo badhax tiro caabuditaanka , waxaa qabsaday caalamka nahaabyo iyo beenaalayaal dadka ugu yeeraya shirki iyo gaalnimo .

Diimihii hore :

Waxay noqdeen diimihii hore ee ay ugu dambaysay diintii masiixiyadu raq ay ku ciyaaraan dadka macnaha daran , waxay noqdeen diimuhu wax ninkasta u furan siduu doonana ka yeelo , waxaa ku dhacay isbal aan xad lahayn , taas oo xayuubisay wanaagii iyo quruxdii ay lahaayeen , hadii la soo saari lahaa mar labaad dadkeedii iyo anbiyadii loo waxyooday mayna garteen wayna amakaagi lahaayeen .

Waxay noqotay diinta yuhuudu dhaqamo iyo iska boodbood aan macna lahayn , iyadoo waliba ahayd diin qoys oo caalamka aan u xambaarsanayn wax fariin ah, aadanahana u wadin wax arxan ah.

Haddaan u soo laabano diinta masiixiyada , waxay ahayd mid ka sii liidata diinta yahuuda , waayo , waxaa gaaray isbadal aad u xun , waxayna noqotay wax iska ciyaar ah, waxay isku baddashay aragtiyo ay dajiyeen yahuudu , taas oo huwan waxogaa yar oo laga soo gaadhay nabi ciise c.s. waxaa meesha ka baxay tawxiidkii ilaahay iyo cibaadadii suubanayd .

Waxaa kaloo jiray dad loo yaqaano majuusiin oo diin ka dhigtay caabudida dabka iyo korkuududkiisa . Waxay ahaayeen kuwa caabuda dabka una sameeya goobo ay ku caabudaan . Waxay ku koobnayd cibaadadoodu inta la kor fadhiyo dabka laakiin haddii mar laga soo baxo , waxay ahaayeen kuwo madax furan, waxkastana xalaalsada . Waxay lamid ahaayeeyn cawaan aan diin iyo dhaqantoona lahayn .

Waxaa kaloo jiray diin la yiraahdo barhamiya oo ahayd diinta hindida , taasina waxay ku mashaqaysnayd badinta goobaha ay ku caabudaan asnaamta , waxay gaarayeen goobahaasi malaayiin , waxay caan ku ahaayeen midab sooca iyo kala gaynta dadka .

Hadii aan u soo laabano carabta iyo say ahaayeen , waxay ahaayeen carabtu kuwo kasii caqda xun kuwaas aan soo sheegnay . Waxay ahaayeen dad ku balaayeysan dhagax caabudka , waxay ku eryayeen xagga sanam caabudka hindida . Waxay ku xeeldheeraadeen jacaylka asnaamta ay u qabaan,taas oo gaarsiisay in qoys waliba yeesho sanam u gaar ah. Waxaa ku jiray kacbada - oo ah gurigii uu u dhisay nabi ibraahim c.s. in ilaahay kaliya lagu caabudo ,- wax ka badan 360 sanam .

W.Q.

Maxamuud axmad naasir

 

 

dib u laabo