Jaziirada carabta iyo say ahayd:

Waxaa aad u xumaaday dhaqankii carabta, waxaa waa khaatun looga waayay khamro iyo qamaar, kuwaas oo dhaxalsiiyey qalbi adayg iyo afaaraqabiil meel dheer gaarsiisan, waxaa u wanaagsanaaday dhaqan xun oo dhan, waxaa sharaftu ahayd in gabdhala la nolasha lagu aaso, waxay kaloo raganimo u arki jireen duulimaadka, dhaca, boobka iyo jid gooyada.

Waxaa hoos u dhacay agtooda haweenka iyo sharfta ay mudnaayeen, waxay ahayd haweenaydu mid ka mid alaabta taala guriga, waa la kala dhaxli jiray sida xoolaha look ala dhaxlo. Waxaa jiri jiray oo kale kuwo, caruurtooda laaya, cabsi ay ka qabaan inay saboolnimo iyo korintooda.

Waxaa la sii jeclaysiiyey dagaalka, waxaana agtooda ka fududaatay daadinta dhiiga, waxaa dhici jirtay in reero dhan iskugu baaba'aan wax aan macno lahayn, kana dhex dhaco dagaal socda wax ka badan afartan sano.

Waxaa soo baxay fasaadkii bad iyo dhulba:

Gabi ahaan, waxay ahaayeen dadku xilligii lasoo bixinayey rasuulka s.c.w, dad baaba' ah, qarkana u saran inay isdaldalaan, wuxuu ahaa qofku qarnigaas, mid iloobay allihii abuuray, waxaana la waayey caqligii lagu kala sooci lahaa khayrka iyo sharka, waxa san iyo waxa xun, waxaa la arki jiray deegaano dhan in laga waayo ruux diin leh, ama rabigiisa caabuda.

Maxaa looga soo saaray nabiga s.c.w. jaziirada carabta?

Wuxuu ilaahya u doortay carabta inay xambaaraan risaalada ( fariinta ) iyo dacwada islaamka, kadibna gaarsiiyaan adduunka dacaladiisa oo dhan. Waayo waxay carabtu ahaayeen dad qalbigooda saafi yahay, kumana qornayn quluubtooda qoraalo hore ow ku faaqaan, sida yahuuda roomaanka , furus iyo hindida. Waayo kuwaas waxay sanka la taagayeen culuumtoodii iyo ilbaxnimadoodii aduunyo, iyagoo isku arkayey inay yihiin dadka aduunka ugu sareeya.

Laakiin carabtu waxay iska ahaayeen reer Miyi aan haysan ilbaxnimo iyo culuum ay ku dhagaan, waxay kaloo ahaayeen dad ku taagan fidradii(siduu ilaahay ku abuuray ) ilaahay ku abuuray, oo haddii arin fahankeedu ku qalloocdo way la dagaalami jireen, haddii ay fahmaanna way jeclaan jiraan, waxay galinjiraan kal iyo laabtooda. Iyagoo u dagaalamaya difaacidiisa iyo ammaan siintiisa.

Waxay kaloo ahaayeen (carabtu ) dad adkaysi iyo samir badan, kuna dheereeya farda fuulka iyo dagaalada.

Sababta labaadi waa mid kasii muhimsan tii hore, waxaan la soconaa in jaziirada carabta gaar ahaan makka ay ku taalay kacbadii uu u dhisay nabi ibraahim c.s. in ilaahay oo kaliya lagu caabudo.

Marka siday kacbadu u noqoto saldhiga iyo qiblada muslimiinta ayuu ilaahay u doortay jaziirada carabta.

W.Q.

Maxamuud axmad naasir