BU'AALE WAA NABAD, ISBAARANA MA TAALO, KUMAA MAHADAASI LEH ilaahay kasokow, MAAMULKA MISE JID XIRANKA?

QODOBKA UGU WEYN OO LOOGA FADHIYO MAAMUL MAGAALO SOOMALIYA KA TIRSAN KA JIRO WAA SUGIDA ABNIGA, MAAMULKA BU'AALE EE GUDOOMIYE XAAJIR BILLE SUGAAL, AYAA QIREY IN EEY NABADII MAGAALADA SOO CELIYEEN, ISBAAROOYINKIINA QAADEEN, HAGAAG IYO HOWL WACAN___HASE YEESHEE ILLAA GOORMA AYAY JIREYSAA ISBAARO LA'AANTAASI???

Kadib markii waayadii u danbeysay ay isa soo tarayeen Jidgooyinka yaala wadooyin badan oo G/J/ dhexe oo ay dhiganayeen kooxa maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda deegaanada gobolkaas ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in Isbaarooyinkaasi ay meesha ka baxeen markii maamulka degmada Bu'aalle ee xarunta G/J/ dhexe uu xerya tababaro ah galiyey maleeshiyooyinka deegaanka tababarana u furay si loo dhaqan celiyo .

Sida warbaahinta Kismaayonews uu qadka telephone-ka ugu sheegay xoghaya dowladda hoose ee degmada Bu'aalle Cali Seed Cumar iminka ma jiraan wax falal ammaan darro ama Isbaarooyin yaalla wadooyinka gala magaalada Bu'aalle , isagoo intaasi ku daray in maleeshiyaadkii Jidgooyooyinka dhigan jiray ay ku jiraan tababaro cid kale oo ku dhiiran karta in bar control oo sharci darro ah in ay dhigatana in aysan jirin , wuxuuna xoghayaha ku goodiyey in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadaya dableydii isku daydi dhigashada isbaaro .

Cali Seed Cumar Xoghaya dowladda hoose ee maamulka Bu'aalle ayaa beeniyey warar maalmahan ka soo baxayey degmadaasi oo tibaaxayey in mid kamid ah hay'addaha samafalka ee halkaasi ka howlgasha ay isaga baxday kagadaal markii ay la soo gudboonaatay hanjabaad iyo cabsi howlwadeenada hay'adda , wuxuuna wararka ceynkaas ah ku tilmaamay kuwa la buunbuuniyey oo waxba kama jiraan ah, isagoo dhinaca kale Mr Seed sheegay in iminka hay'addaha Bu'aalle ka howlgalaya ay soo kordhayaan oo tobaneeya ay kor u dhaafayaan , taasina waxaa ugu wacan buu yiri ammaanka ka jira gudaha Bu'aalle .

Bu'aalle waxay kamid tahay degmooyinka lagu tiriyo inay gobolada Jubbooyinka ugu nabdoon yihiin , inkastoo sanadkii 2001 ay ka dhacen dagaalo lagu hoobtay oo u dhexeyey laba kamid ah beelaha halkaasi dega , oo colaadoodu ay salka ku heysay gacan ku heynta degmada haddana wixii ka danbeeyey xilligaasi xaaladeeda nabadgelya waxay aheyd mid degan .
Bu'aale waa magaaalo madaxeedka gobolka j/ dhexe , waxaana iminka ka arrimiya maamul eey soo magacowdey DKMG ee Baydhabo fadhigeeda yahay , isbaaro la'aaanta iminka laga sheegayo kaliya ma ahan maamulka oo talaabo ka qaadey , ee waxaa kaloo qeyb ka qaatey jir xiranka iyo isu socodka gaaadiidka oo joogsaday amaba yar roobabka da'ay dartood , markaasoy meesha ka baxayso sabab isbaaaro loo dhigto , dhanka kale maaamulka Bu'aale ka jira ee uu Gudoomiyaha ka yahay Xaajir Bille Sugaal , ee DKMG eey soomgacaowdey , ma ahan mid magaciisa uu qilaaf ka jiro amaba saameyn xoogan ku leh muranada siyaasadeed ee gobolada qaarkood ka jirra , ee u dhaxeeya DKMG iyo dadka diidan , waxaana arrintaasi sabab looga dhigayaa hogaaanka dhaqanka gobolkaasi oo saameyn xoogan ku leh ka talinta arrimaha gobolka oo inta baddan laga saaro siyaasada , taasina waxay soo ifbaxday markii dhawaan eey halkaasi gaareen ciidamo taabacsan isbahaysiga dib u xoreynta , hase yeeshee dadaal uu hor boodayay Ugaas Maxamud Ugas Qorane lagu qanciyey ciidamadii ineey magaalada isaga baxaan si shacabka looga badbaadiyo in lagu kor hardamo , markaasina eey dhibaato soo gaarto .

c/ nasir saxansoxo . Email: saxansoxo1@hotmail.com.

xigasho:KISMAAYONEWS.COM:

 

Dib u laabo