K ulla caamin wa antum bikhayr

( M axaa jabiya soonka ? )

Sida aan ognahay waxaa fooda nagu soo haya bishii ramadaan , bishii quraanka , bishii taqwada bishii cibaadada , waxaa liibaanay qofkii ilaahay haleelsiiyey soo gaadhidda bishhan barakaysan iyo ka faaidaysigeeda , waxaa habaaran qofka soo gaadhay ee aan ka faaidaysan , qofkaasina wuxuu qabaa habaarkii rasuulka s.c.w , ee uu yidhi : ilaahay haku dheereeyo naarta qofka ilaahay soo gaadhsiiyey bisha ramadaan ee aan ka faaidaysan . Habaarkaas Waxaa aamiin yidhi malaku jibriir . Markaa waxaan ilaahay ka baryayaa in uu naga yeelo kuwa ka noolaada barwaaqada ay xambaarsantahay bishani . Kana faaidaysta inta ololaha khayrku taagan yahay , waayo waa jaanis aan la heli Karin waqti kale, xaggeed ka heli kartaa – aan ku waydiiyee - in jannada laguu furo , naartana lagaa xidho , qabiidyada shayaadiintana lagaa figeeyo ? Xaggeese ka heli kartaa habeen u dhigma ama ka khayr badan kun habeen ? Waa keese camalka aan ahayn soonka ee ilaahay isku tiiriyey yidhina soonka anaa iska leh anaa ajirkiisa ka abaal marinaya adoonkayga ? Arimahaa aan soo sheegnay oo dhan waxaa la gaar ah bisha ramadaam , oo halkudhaggeedu yahay : qofkii khayr doonayaw soo qaabil , qofkii ka dhacsanaayaw gaabso .

Walaalayaal soonku axkaan fara badan ayuu leeyahay , laakiin waxaan jeclahay inaan idin xasuusiyo waxyaabaha jabiya soonka , si aan iskaga ilaalino , soonkeenuno u noqdo mid fayow : arimaha jabiya soonka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood :

1- qayb keenaysa qallayn maalintii aad afurtay .

2- qayb keenaysa qallayn iyo kaffaaro ( madaxfurasho ).

Hadaba qaybta koobaad ee keenaysa qallaynta oo kaliya waa kuwan :

A- cunidda .

B- cabidda

C- iska matajinta .

D- dhiiga caadada iyo kan umusha oo yimaada .

E- niyeysiga afuritaanka .

F- ridada ( diinta islaamka oo laga laabto ) ( allaahummanajjinaa ).

Qaybta labaad waa qaybta keensanaysa qallayn iyo madaxfurasho , waana hal qodob oo kaliya oo ah galmada ka dhacda soomaha dharaarnimadii .

Waxa jabiya ama buriya soonka , waa intaa , waxaan inshaa allaah idiin soo gudbin doonaa arimo kale oo dadka badan koodu u haystaan inay jabiso soonka , laakiinse aan jabin . Marka waxaan idinku dhaafayaa anigoo idin leh : kulla caamin wa antum bikhayr .

Qore / maxamuud axmad naasir

manaasir@hotmail.com