05/12/07 arbaco.WAA BALAN QAADKA NUS QARNI JIRSADAY OO SHAN SANNO OO KASTA LOO SAMEEYO SHUCUUBTA WAQOOYI BARI EE AAN MAENABA MIRA DHALIN, MAAMLINTII UGU DAMBEYSAY EE OLOLE DOORASHO EE UU KOLONZO KU MARAYO WAQOOYI BARI KENYA AYUU SHEEGEY IN UU GOBOLKA U YEELI DOONO WADOOYIN LAAMI AH___ISKA EEGA MUCJISOOYINKA KALONZO IYO MAXAMED CABDI AFEEY.
Waa xiligan oo kale shan sano markiiba, xiligi dadka qaba qandhada madaxnimada eey jaan iyo cirib soo dhigaan gobolka qeyraadka qaniga ku ah ee la dayacay , iyadoo laga codsanayo ineey u codeeyaan dadka qandheysan, waxaase dhagaha dadka gobolkaasi aan marnaba yaab iyo fajac ku noqoneynin haddii uu musharax yiraahdo dayaxa dushiisa ayaan guryo idiinka dhisi, ee ha la'i doorto, mana ahan wax lala yaabo mucjisooyinka eey ka shanqariyaan musharixiinta qaarkood (sida in wadooyin laaami ah la saaro gobolka, oo ah riyada kaliya ee dadka gobolkaasi eey leeyihiin, cidii rumeysane eey u tahay mucjiso).
Maalintii ugu dambeysay ee olole doorasho ooku marayo musharaxa xisbiga ODM-K kolonza ayuu fagaare Wajir ku yaala dad weyne oga sheegey in haddii la doorto uu gobolka ka dhigi doono meel leh ganacsi 24 saac oo caan ah, wuxuu intaasi ku daray in uu wadooyin laami ah marin doono gobolka, isagoo balan qaadey in uu wax ka qaban doono adeegyada asaasiga ah ee bulshada eey u baahantahay. waxaa safarka ku wehliyey safiirkii hore ee kenya u qaabilsanaa soomaaaliya maxamed cabdi afeey, oo iminka xilkaasi laga wareejiyey, iminkana u taagan kursiga baarlamaanka ee koonfurta wajir, kaas oo uu horey u waayey doorasahadani tii ka horeysay.
Sidoo kale Kolonza wuxuu dad weynaha gobolka u sheegey in in deegaan kasta oo leh kursi baarlamaan laga dhigi doono degmo, si buu yiri adeega loogu soo dhaweyyo dadka , waxay aheyd maalintii labaad eena ugu dambeysay ee kolonza uu gobolka ku tago.
c/nasir saxansoxo. |